Sunday, December 18, 2022

Maxaad ka ogtahay Edebta iyo asluubta dhaqan, ee Quraanka lagu cadeeyay.

14 aayadood iyo 14 asluubood

1- CODKA: Ha qaylqaylin ee codka hoos u dhig =وَٱغْضُضْ مِن صَوْتِكَ

2- SOCODKA: Miyir u soco = وَٱقْصِدْ فِى مَشْيِكَ 2- SOCODKA: Ha u socon, isqaadqaad iyo iswalwalaaq = وَلَا تَمْشِ فِى ٱلْأَرْضِ مَرَحًا

3-INDHAHA: Eegmada hoos u dhig = يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ

4- CAWRADEENNA: xubintaada taranka xafido = وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ۚ

5-DHEGAHA: Ha dhegadhegayn sirta dadka: ولا تجسسوا

6- CUNTADA: Cun oo cab balse ha iska tan badin: وكلوا واشربوا ولا تسرفوا إنه لا يحب المسرفين

7- HADALKEENNA: Dadka si wanaagsan ula hadal: وقولوا للناس حسنا

8- GOLAYYAASHEENNA: Xanta jooji: ولا يغتب بعضكم بعضا

9- NATFEENNA: Cidna ha xaqirin: لَا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِنْ قَوْمٍ

10- FIKIRKEENNA: Malamalaynta xun iska daa: ان بعض الظن اثم

11- BADHEEDHEHEENNA: Wax aanad aqoon u lahayn, ha dhex dabbaalan: وَلاَ تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ

12: U HANQALTAAGGA MAALQABEENKA: Indhaha ha la raacraacin adduunkooda oo xaqa ha uga habran: وَلَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعْنَا بِهِ

14- ISCAFINTA: Wax cafi oo wixii xumaaday dib u hagaaji: فَمَنْ عَفَا وَأَصْلَحَ فَأَجْرُهُ عَلَى اللَّهِ

YAA YIDHI, Quraanku ma aha distoorkeenna iyo manhajka nolosheenna?

Monday, December 12, 2022

wax ka ogow Meelo aad ka baran karto luuqada English-ka si bilaash ah

 

Luuqada english-ka waa mid kamid waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu qofku baran karo, waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa 10 meelood oo aad ka baran karto luuqada english-ka si bilaash ah. Qeybta Koowaad Janalada youtubes-ka ah.

1. English For You: Janalkan waxaad ka helaysaa casharo taxane ah oo isugu jira beginner ilaa advanced, si wanaagsan ayuu isugu habaysan yahay linkigiisana waakana: https://www.youtube.com/@englishforyoutv/playlists

2. Learn English With TV Series: Janalkan sida magaciisa ka muuqata waxaa uu ku barayaa english-ka qaab ka duwan sida caadiga ah, waxaa uu isticmaalayaa musalsalaadka ku hadla afka English-ka si uu kuu fahansiiyo inta badan listening-ka iyo speakingka. linkigiisa waakan: https://www.youtube.com/@LearnEnglishWithTVSeries

Auto ads Advertisement

3. ENGLISH with James : Janalkan waxaa daadihinaya macalin la yidhaahdo James oo ah macalin funny ah oo aanad ku caajiseyn casharadiisa, waxaad ka helaysaa muuqaalo gaagaaban oo uu kolba mawduuc xiiso leh kaga hadlo. linkigiisuna waakan: https://www.youtube.com/@engvidJames/featured

4. Learn English with EnglishClass101.com: Janalkan waa mid kamid ah janalada ugu waaweyn ee lagu barto luuqada english-ka, linkiga janalkan waa https://www.youtube.com/@EnglishClass101 ama youtubeka ku qor magaciisa..

5. Speak English With Vanessa: Janalkan waxaa daadihinaysa gabadha la yidhaahdo Vanessa, oo ah qof si xiiso leh kuu baraysa luuqada, waxaad ka heli kartaa casharo gaagaaban oo xiiso leh. linkigiisa waakana: https://www.youtube.com/@SpeakEnglishWithVanessa

Auto ads Advertisement

Qeybta Labaad website-yadda.

6. https://learningenglish.voanews.com/ : website-kan waxaa leh warbaahinta VOA-da ee laga leeyahay dalka maraykanka waxaanaad ka heli kartaa casharo badan oo isugu jira Beginner, Intermediate iyo advanced level.

7. https://www.usalearns.org/ websitekan hada kahorna muuqaal ayaan ka sameeyay oo aad ka daawan karto Youtube-kayga waa website aad u wanaagsan oo 100% bilaash ah.

8. https://www.bbc.co.uk/learningenglish : webkan isna waxaa leh warbaahinta weyn ee BBC-da waxaana ka heli kartaa casharo badan oo isugu jira Grammer, pronounciation, casharo basic ah kuwa medium ah iyo qaar advanced ah oo maqal iyo muuqaal-ba leh.

9. https://www.learningchocolate.com/ : webkan marka ugu horeysa ee aad aragto wuxuu u egyahay mid caruurta loogu talagalay laakiin waa web aad u wanaagsan oo aad ku baran karto qaab interactive ah oo fudud.

Auto ads Advertisement

10. https://learnenglish.britishcouncil.org/ : webkan british council waxaad ka heli kartaa casharo badan sida: Grammerka, Vocabulary-ga iyo casharo badan oo bilow ilaa advanced ah.

5 caado Oo Qofka u Suurtagelin Kara in Waqtigiisu u Nidaamsamo

 

Dad badan oo innaga mid ah waxa ay dhibaato ka haysataa Maaraynta waqtiga, illaa heer ay qaarkood jeclaan lahaayeen in ay kordhaan saacadaha 24 ka ah ee maalintu ka kooban tahay, si ay shaqooyinkooda maalinnimo u dhammaystiran. 

Auto ads Advertisement 

  Qormadani waxa ay ku baraysaa 5 caado oo qofka u suurtagelin kara in waqtigiisu u nidaamsamo, iyo in uu u madhxo isla markaana muuqdo sida in uu intii caadiga ahayd ka batay. 1. Shaqadaada ha u samayn kala horreysiin iyo jadwal qasab ka dhigaya in waqtigaas u astaysan oo keliya la qaban karo. Waqtiyada firaaqo ee u dhexeeya qabashada hawlaha waaweyn, uga faa’idayso in aad qabato shaqooyinka yaryar. 2. U fikir sida ruux wahsigu ku badan yahay: waxa ay dadkaasi xariif ku yihiin in ay hal-abuuraan habab iyo jidad gaaban oo ay ku qabsan karaan hawlahooda, iyada oo natiijada ay ka gaadhayaan la mid tahay uun tii ay gaadhi lahaayeen marka ay jidka dheer ka soo wareegaan. 3. Ka faa’idayso waqtiga socodka iyo sugitaanka; Ogow in hawlo badan aad qabsan karto xilliga aad gaadiidka dadweynaha saaran tahay ama u kala socoto meelaha kala duwan (Haddii aanad adigu wadin gaadiidka), sida oo kala xilliyada aad sugayso ballamaha iyo Bilowga shirarka iyo kulamada. Ha yaraysan waqtiyadan, farriin muhiim ah oo Email ama WhatsApp kuugu timid ayaad ka jawaabi kartaa, halkii aad ku mashquuli lahayd in aad Facebook iyo baraha kale ee bulshada waqti ku lumiso. Buug ama daraasaad kale ayaa aad akhriyi kartaa. Ma ogtahay qofka xawaaraha akhriskiisu dhexdhexaadka yahay in uu daqiiqaddii akhriyi karo 250 illaa 300 oo erey, taas macnaheedu waa in uu daqiiqad kasta hal bog akhriyi karo. Ka soo qaad qof aad la ballansanayd ama bilow shir iyo xaflad aad u socotay oo aad 30 daqiiqo sugaysay, waxa aad akhiriyi kartaa 30 bog oo buug ka mid ah ama warbixin iyo daraasad dhammaystiran. 


4. Hawl kasta oo aad qabanayso, waa in aad ka fikirto beddelka aad ka helayso: ujeedada ma’aha in aad hawl kasta lacag ku hesho. Abaalgud san oo aakhiro ayaad ka fikiraysaa, sumcad wanaag iyo magac adduun ayaad u baahantahay, xitaa caafimaadkaaga nafsiga ah ayaa ku kordhaya samafalka aad samayso. Waxa se ayaan darro ah in qofku uu waqti ku lummiyo beddel la’aan. In aad ka fikirto beddelka aad ka helayso waqtigaaga baxayaa waxa ay kugu beeraysaa dabeecad guul horseedda oo ah, in aad garato shaqada mudan in aad qabato iyo midda waqti lumiska ah ee aanad waxba ka dheefayn. 5. Cid kaaga fiican hawshan raadso: Naftaada ha ku daalin in ay qabato hawlo aanay ku fiicnayn. Waa ay fiicantahay in aad dadaasho, hawlo waaweynna aad waqti iyo maskax geliso si aad uga midho dhaliso. Waxbarasho iyo waayoaragnimo korodhsiguna waa arrin muhiim ah. laakiin ogow qofku kelidii isma wadi karo, hawl aanad aqoon u lahayn oo aad isku qaaddaana guuldarro iyo niyadjab ayey kuu horseedi kartaa. Shaqada xitaa kugu adag ama kaa sarraysa ha ka baqan, laakiin kelidaa geeddigaas ha gelin ee wehel kaaga aqoon badani ha kugu garabsiiyo. Kala sheekayso, kala tasho, ka baro xitaa mararka qaarkood gacanyare mushahar aad ku siiso ka dhigo qofka waayoaragga u ah shaqada aad qabanayso.

  Auto ads Advertisement

Thursday, December 8, 2022

DHISMAHA DEKEDDA BOSSASO OO MAANTA La SAXIIXAY.

 Dawladda Puntland ayaa maanta shirkadda Marmarine u saxiixday qandaraaska dhismaha dekedda Bosaaso, taasoo muddo dhawr sano ah mashruuceeda dhistaan uu dib dhacsanaa.

Auto ads Advertisement

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa dhanka Puntland heshiiskaasi qalinka ku duugay, halka dhanka mashuruuca guud ee dhismahaasi uu saxiixay Suhail Al Banna, CEO and Managing Director DP World Middle East and Africa, halka shirkadda qandaraaska qaadatay Marmarine uu u saxiixay Nabil Milad Abou Rjaili General Manager of Marmarine

.

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland ayaa shaacisay kala saxiixashada qabdaraas ee dhismaha dekedda, iyadoo isla bogga wasaaradda lagu soo bandhigay sawirradii horreeyey oo la xiriiray kulamadii lagu ebyayey hirgalka mashruuca iyo saxiixa qandaraaska dhisme.


Madax dawladda Puntland ah, ayna ka midyihiin wasiirka dekedaha Axmed Yaasiin Saalax, guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Shaahdoon, duqa Bossaso Xasan Cabdalle iyo xubno kale ayaa Imaaraadka u jooga arrinka mashruucaan, iyo saxiixa qandaraas ee maanta dhacay.

Auto ads Advertisement

Dhismaha dekedda Bossaso ayaa dawladda Puntland heshiis kula gashay shirkad Iskutagga imaaraadka carabta laga leeyahay muddo haatan 5 sano iyo dheeraad laga joogo, hase ahaatee muddadaasi dheer laguma guulaysan in uu taabboqaado.


"Way Iska Caddahay!!” – Ten Hag Oo Sharaxay Waxa Kooxdiisa Man United Ku Sababay Guuldarradii Cadiz Ee Xalay

 Tababaraha kooxda Manchester United ten ah ayaa laacibiinta kooxdisa ku eedeeyay inay hurdeen horaantii kulanki ay xalay guuldarada kalasoo kulmeen kooxda cadis 

man United oo 13kii daqiiqo ee u horeeyay lagu yeeshay 2-0 ayaa waxa kooxda cadiz goolasha ukala dhaliyay carlos garcia iyo antony lozano kahor inta aanu rigoore hal goal ugu soo celin martial man United.


Auto ads Advertisement

Ten hag ayaa wakhtigii nasashada badalay dhamaan tobankii ciyaaryahan ee cuyaarayay haafkiisii hore ee ciyaarta, waxaana goolkii bar bardhaca ukeenay kobbei manoo kahor inta ay labo gool oo kale ka dhalin kooxda cadiz, Daafaca Man United ayay Victor Lindelof ku wehelinayeen Wan Bissaka, Teden Mengi iyo Brandon Williams oo markii ugu horreysay ugu soo bilawday tababare Ten Hag.


Auto ads Advertisement

Hag oo ka hadlaya wixii ka khaldamay ciyaartaas ayaa yidhi “Way iska cadahay, maanaan soo jeedin, wali waanu hurudnay, 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay kaddib ayaanu diyaar noqonay”.

Friday, December 2, 2022

MADAXWEYNE DR. XASAN SHEEKH OO KU DHAWAAQAY IN 100 AQOONYAHAN SOOMAALIYEED LA SIINAYO DEEQ WAXBARASHO OO HEERKA PhD AH

Madaxwaynaha somalia Dr.xasan Sheikh maxamud ayaa maanta oo salaasa ka qayb galay munaasabada xaflada qalinjabinta aqoonyahanka soomaaliiyeed ee waxkabaranayay jaamacada nabada ee qaramada midoobay, iyada oo maamulka jaamacadu ay go'aamiyeen in ay ugu madaxwaynaha ugu magac dari doonan xarunta ay kuleeyihiin somaliya.
  Auto ads Advertisement

Madaxwaynaha oo ka mid ahaa aqoonyahanki soomaliyeed ee sandakan ka qaatay shahaadada sare ee Cilmiga nabada iyo maamul wanaaga ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan aqoonyahanka soomaaliyeed heerarka kala duwan culuumta ay bixiso jaamacadu, sidoo kale waxa uu tilmaamay doorka laga filayo inay ka qayb qaatan halganka ciribtirka jahliga iyo dib udhaca dalka.


Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna.

Auto ads Advertisement

Madaxwayne xasan sheekh ayaa sheegay in lasiin doono boqol arday lasiin doono deeq waxbarasho oo heerka PhD ah taas oo ay filing doonto jaamacada  UPEACE sadexda sano ee soosocda.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasusuka cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.

maxaad ka ogtahay in Cristiano Ronaldo uu baabuurtisii qaaliga ahayd ka rartay magaalada Manchester

Xidiga kubada cagta ee reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa dib ugasoo rartay baabuurtiisi qaaliga ahayd ee u taalay magaalada Manchester, kuwas oo maanta loo qaaday magaalada Lisbon ee wadanka Portugal.

Sawiro maanta laga soo qaaday guriga uu Cristiano Ronaldo kadaganaa magaalada Manchester ayaa muujinaya in gawaaridiisi qaaliga ahayd oo lagu raraayo gawaarida xamuulka ee lagu qaado baabuurta.

Kharashka ku baxay raritaanka baabuurta ayaa la sheegay inay kaga baxayso lacag gaadhaysa £150,000 Gini.
Sidoo kale Ronaldo ayaa waxaa uu magaalada Manchester ku leeyahay hanti maguuraan ah oo ay kamid yihiin dabaq qiimihiisa yahay £6 milyan oo Gini, kaas oo aan la ogayn waxa uu kayeeli doono.
 
Laacibkan ayay kooxda kubada cagta ee Manchester United burburisay heshiiskiisa ka hor intaan la bilaabin koobka qaramada aduunka ayaa hada waxa uu dalap rasmiya ka helay kooxda sacuudiga ee Al-Nessyr kaas oo lasheegay in uu sanadkii ku helay mishaar lacageed oo dhan £173 milyan oo Gini.

Wednesday, November 30, 2022

waa maxay teknolojiyad (what is technology)?

Technology eraygan Technology hadii aan macnayno wuxu noqonayaa labo eray oo isu tagay erayga TECHNO oo macneheedu ay noqonayso (technical) farsamo halka erayga labaad ee Logy uu macneheedu noqonayo barasho labada eray marka afsoomaali ahaan la isu keeno macnahooda ay noqonayaan barashada farsamada. 
hadaba marka aan eegno technologyada maanta dunida ka jirta waa tan ugu horumarsan taas oo ay wadamo badan oo aduunka ah ay dhamaantod ku hormareen, maanta waxad aragteen inay 10 wadan ilaa 11 wadan ay haystaan hubba ugu halmstad badan aduunka ee looyaqaano nuclearka hadaba technologyadu waa sababta ay ku gaadheen Inay samaystaan hubba aduunka ugu khatarta badan.

maxay faa iido inoo leedahay technologyadu? 

technologyadu waxay faa iido inoo leedahay inaan helno ama aan barano wax cuzup ama inaan helno macluumaado laxidhiidha dunida maanta. 
technologyadu waxakale oo maanta ay faa iido inoo leedahay inaan abuuri karno ama soosaari karno wax cusub inagoo isticmaalayna technologyada maanta jirta. 

sidoo kale waxan ka warqabnaa in maanta sharikaadka ugu waawayn aduunku ay ku shaqeeyaan technologyada aduunkana ay ka maamulaan hal app ama hal webside oo ay leedahay shirkadu tusaale ahaan shirkadaha youtube,meta,Microsoft iyo kuwo kale oobadan ayaa ah shariikada ugu caansan uguna muga wayn aduunka marka laga eego dhinaca technologyada iyo waliba dhinaca dhaqaalaha oo ay kasameeyaan websites iyo apps iyagoo adeegnaya technologyada. 
hadaba dunidan maanta ay joogno waxaynu noolnahay casri ay adag tahay ruuxa aan technologyad agtiisa oolin ama kadhawayn lagu ogaankaro xaaladiisa isna uu ku ogaan karo waxyaabaha kuso biiraya maalinkasta dunida.

Monday, October 24, 2022

“Shaki Kuma Jiro” Alan Shearer Oo Tilmaamay Xiddiga Ugu Wanaagsan Liverpool Xilli-ciyaareedkan

 Halyeyga xulka qaranka England iyo kooxda Newcastle United ee Alan Shearer ayaa tilmaamay xiddiga ugu wanaagsan kooxda kubadda cagta Liverpool xilli ciyaareedkan oo ah mid adag oo ay ku dhibaatoonayaan sidii ay guulo uga keeni lahaayeen garoomada.


Jurgen Klopp ayay kooxdiisu afar jeer oo kaliya guuleysatay 11 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, waxaana sabtidii guul-darro lama filaan ah u xambaarisay kooxda ugu hoosaysa horyaalka ee Nottingham Forest.


Alan Shearer oo falanqaynayay kulankii Sabtidii ayaa waxa uu sheegay, in uu rumaysan yahay in Liverpool ay xiddigaheedii wanaagsanaa sida Mohamed Salah uu ku yimid hoos u dhac weyn, laakiin uu is-muujiyey oo laacibka ugu wanaagsan Reds waqtigan uu yahay weeraryahanka Brazil ee Roberto Firmino.

31 jirkan ayaa siddeed gool dhaliyey, afar kalena caawiyey 15 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu muujiyey in Darwin Nunez aanu ka saari karayn booskiisa balse ay tahay in la wada ciyaarsiiyo.

Alan Shearer oo la weydiiyey ciyaartoyga ugu wanaagsan Liverpool xilli ciyaareedkan ayaa ku jawaabay: “Roberto Firmino ayaa ahaa  ciyaartoygooda ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan, shakina kuma jiro taas. Waxay su’aalo ka taagnaayeen haddii Firmino tegi doono amaba uu luminayo booskiisa, laakiin hadda taasi ma taallo meesha. Ciyaartiisu waa heersare, waxaanu dhalinayaa goolal u qalma bandhiggiisa.”

Si kastaba, Roberto Firmino ayaa heshiiskiisa Liverpool uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, illaa haddana ma  muuqato saansaan uu qandaraaska ugu kordhinayo Liverpool.