Halyeyga xulka qaranka England iyo kooxda Newcastle United ee Alan Shearer ayaa tilmaamay xiddiga ugu wanaagsan kooxda kubadda cagta Liverpool xilli ciyaareedkan oo ah mid adag oo ay ku dhibaatoonayaan sidii ay guulo uga keeni lahaayeen garoomada.
Jurgen Klopp ayay kooxdiisu afar jeer oo kaliya guuleysatay 11 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, waxaana sabtidii guul-darro lama filaan ah u xambaarisay kooxda ugu hoosaysa horyaalka ee Nottingham Forest.
Alan Shearer oo falanqaynayay kulankii Sabtidii ayaa waxa uu sheegay, in uu rumaysan yahay in Liverpool ay xiddigaheedii wanaagsanaa sida Mohamed Salah uu ku yimid hoos u dhac weyn, laakiin uu is-muujiyey oo laacibka ugu wanaagsan Reds waqtigan uu yahay weeraryahanka Brazil ee Roberto Firmino.
31 jirkan ayaa siddeed gool dhaliyey, afar kalena caawiyey 15 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu muujiyey in Darwin Nunez aanu ka saari karayn booskiisa balse ay tahay in la wada ciyaarsiiyo.
Alan Shearer oo la weydiiyey ciyaartoyga ugu wanaagsan Liverpool xilli ciyaareedkan ayaa ku jawaabay: “Roberto Firmino ayaa ahaa ciyaartoygooda ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan, shakina kuma jiro taas. Waxay su’aalo ka taagnaayeen haddii Firmino tegi doono amaba uu luminayo booskiisa, laakiin hadda taasi ma taallo meesha. Ciyaartiisu waa heersare, waxaanu dhalinayaa goolal u qalma bandhiggiisa.”
Si kastaba, Roberto Firmino ayaa heshiiskiisa Liverpool uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, illaa haddana ma muuqato saansaan uu qandaraaska ugu kordhinayo Liverpool.
0 Comment to "“Shaki Kuma Jiro” Alan Shearer Oo Tilmaamay Xiddiga Ugu Wanaagsan Liverpool Xilli-ciyaareedkan"
Post a Comment