Auto ads Advertisement
Auto ads Advertisement
Madaxwaynaha oo ka mid ahaa aqoonyahanki soomaliyeed ee sandakan ka qaatay shahaadada sare ee Cilmiga nabada iyo maamul wanaaga ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan aqoonyahanka soomaaliyeed heerarka kala duwan culuumta ay bixiso jaamacadu, sidoo kale waxa uu tilmaamay doorka laga filayo inay ka qayb qaatan halganka ciribtirka jahliga iyo dib udhaca dalka.
Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna.
Madaxwayne xasan sheekh ayaa sheegay in lasiin doono boqol arday lasiin doono deeq waxbarasho oo heerka PhD ah taas oo ay filing doonto jaamacada UPEACE sadexda sano ee soosocda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasusuka cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.
0 Comment to "MADAXWEYNE DR. XASAN SHEEKH OO KU DHAWAAQAY IN 100 AQOONYAHAN SOOMAALIYEED LA SIINAYO DEEQ WAXBARASHO OO HEERKA PhD AH "
Post a Comment