Showing posts with label warka maanta. Show all posts
Showing posts with label warka maanta. Show all posts

Thursday, December 8, 2022

DHISMAHA DEKEDDA BOSSASO OO MAANTA La SAXIIXAY.

 Dawladda Puntland ayaa maanta shirkadda Marmarine u saxiixday qandaraaska dhismaha dekedda Bosaaso, taasoo muddo dhawr sano ah mashruuceeda dhistaan uu dib dhacsanaa.

Auto ads Advertisement

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa dhanka Puntland heshiiskaasi qalinka ku duugay, halka dhanka mashuruuca guud ee dhismahaasi uu saxiixay Suhail Al Banna, CEO and Managing Director DP World Middle East and Africa, halka shirkadda qandaraaska qaadatay Marmarine uu u saxiixay Nabil Milad Abou Rjaili General Manager of Marmarine

.

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland ayaa shaacisay kala saxiixashada qabdaraas ee dhismaha dekedda, iyadoo isla bogga wasaaradda lagu soo bandhigay sawirradii horreeyey oo la xiriiray kulamadii lagu ebyayey hirgalka mashruuca iyo saxiixa qandaraaska dhisme.


Madax dawladda Puntland ah, ayna ka midyihiin wasiirka dekedaha Axmed Yaasiin Saalax, guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Shaahdoon, duqa Bossaso Xasan Cabdalle iyo xubno kale ayaa Imaaraadka u jooga arrinka mashruucaan, iyo saxiixa qandaraas ee maanta dhacay.

Auto ads Advertisement

Dhismaha dekedda Bossaso ayaa dawladda Puntland heshiis kula gashay shirkad Iskutagga imaaraadka carabta laga leeyahay muddo haatan 5 sano iyo dheeraad laga joogo, hase ahaatee muddadaasi dheer laguma guulaysan in uu taabboqaado.


Friday, December 2, 2022

MADAXWEYNE DR. XASAN SHEEKH OO KU DHAWAAQAY IN 100 AQOONYAHAN SOOMAALIYEED LA SIINAYO DEEQ WAXBARASHO OO HEERKA PhD AH

Madaxwaynaha somalia Dr.xasan Sheikh maxamud ayaa maanta oo salaasa ka qayb galay munaasabada xaflada qalinjabinta aqoonyahanka soomaaliiyeed ee waxkabaranayay jaamacada nabada ee qaramada midoobay, iyada oo maamulka jaamacadu ay go'aamiyeen in ay ugu madaxwaynaha ugu magac dari doonan xarunta ay kuleeyihiin somaliya.
  Auto ads Advertisement

Madaxwaynaha oo ka mid ahaa aqoonyahanki soomaliyeed ee sandakan ka qaatay shahaadada sare ee Cilmiga nabada iyo maamul wanaaga ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan aqoonyahanka soomaaliyeed heerarka kala duwan culuumta ay bixiso jaamacadu, sidoo kale waxa uu tilmaamay doorka laga filayo inay ka qayb qaatan halganka ciribtirka jahliga iyo dib udhaca dalka.


Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna.

Auto ads Advertisement

Madaxwayne xasan sheekh ayaa sheegay in lasiin doono boqol arday lasiin doono deeq waxbarasho oo heerka PhD ah taas oo ay filing doonto jaamacada  UPEACE sadexda sano ee soosocda.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasusuka cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.