Showing posts with label Ciyaaraha. Show all posts
Showing posts with label Ciyaaraha. Show all posts

Thursday, December 8, 2022

"Way Iska Caddahay!!” – Ten Hag Oo Sharaxay Waxa Kooxdiisa Man United Ku Sababay Guuldarradii Cadiz Ee Xalay

 Tababaraha kooxda Manchester United ten ah ayaa laacibiinta kooxdisa ku eedeeyay inay hurdeen horaantii kulanki ay xalay guuldarada kalasoo kulmeen kooxda cadis 

man United oo 13kii daqiiqo ee u horeeyay lagu yeeshay 2-0 ayaa waxa kooxda cadiz goolasha ukala dhaliyay carlos garcia iyo antony lozano kahor inta aanu rigoore hal goal ugu soo celin martial man United.


Auto ads Advertisement

Ten hag ayaa wakhtigii nasashada badalay dhamaan tobankii ciyaaryahan ee cuyaarayay haafkiisii hore ee ciyaarta, waxaana goolkii bar bardhaca ukeenay kobbei manoo kahor inta ay labo gool oo kale ka dhalin kooxda cadiz, Daafaca Man United ayay Victor Lindelof ku wehelinayeen Wan Bissaka, Teden Mengi iyo Brandon Williams oo markii ugu horreysay ugu soo bilawday tababare Ten Hag.


Auto ads Advertisement

Hag oo ka hadlaya wixii ka khaldamay ciyaartaas ayaa yidhi “Way iska cadahay, maanaan soo jeedin, wali waanu hurudnay, 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay kaddib ayaanu diyaar noqonay”.

Friday, December 2, 2022

maxaad ka ogtahay in Cristiano Ronaldo uu baabuurtisii qaaliga ahayd ka rartay magaalada Manchester

Xidiga kubada cagta ee reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa dib ugasoo rartay baabuurtiisi qaaliga ahayd ee u taalay magaalada Manchester, kuwas oo maanta loo qaaday magaalada Lisbon ee wadanka Portugal.

Sawiro maanta laga soo qaaday guriga uu Cristiano Ronaldo kadaganaa magaalada Manchester ayaa muujinaya in gawaaridiisi qaaliga ahayd oo lagu raraayo gawaarida xamuulka ee lagu qaado baabuurta.

Kharashka ku baxay raritaanka baabuurta ayaa la sheegay inay kaga baxayso lacag gaadhaysa £150,000 Gini.
Sidoo kale Ronaldo ayaa waxaa uu magaalada Manchester ku leeyahay hanti maguuraan ah oo ay kamid yihiin dabaq qiimihiisa yahay £6 milyan oo Gini, kaas oo aan la ogayn waxa uu kayeeli doono.
 
Laacibkan ayay kooxda kubada cagta ee Manchester United burburisay heshiiskiisa ka hor intaan la bilaabin koobka qaramada aduunka ayaa hada waxa uu dalap rasmiya ka helay kooxda sacuudiga ee Al-Nessyr kaas oo lasheegay in uu sanadkii ku helay mishaar lacageed oo dhan £173 milyan oo Gini.

Monday, October 24, 2022

“Shaki Kuma Jiro” Alan Shearer Oo Tilmaamay Xiddiga Ugu Wanaagsan Liverpool Xilli-ciyaareedkan

 Halyeyga xulka qaranka England iyo kooxda Newcastle United ee Alan Shearer ayaa tilmaamay xiddiga ugu wanaagsan kooxda kubadda cagta Liverpool xilli ciyaareedkan oo ah mid adag oo ay ku dhibaatoonayaan sidii ay guulo uga keeni lahaayeen garoomada.


Jurgen Klopp ayay kooxdiisu afar jeer oo kaliya guuleysatay 11 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, waxaana sabtidii guul-darro lama filaan ah u xambaarisay kooxda ugu hoosaysa horyaalka ee Nottingham Forest.


Alan Shearer oo falanqaynayay kulankii Sabtidii ayaa waxa uu sheegay, in uu rumaysan yahay in Liverpool ay xiddigaheedii wanaagsanaa sida Mohamed Salah uu ku yimid hoos u dhac weyn, laakiin uu is-muujiyey oo laacibka ugu wanaagsan Reds waqtigan uu yahay weeraryahanka Brazil ee Roberto Firmino.

31 jirkan ayaa siddeed gool dhaliyey, afar kalena caawiyey 15 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu muujiyey in Darwin Nunez aanu ka saari karayn booskiisa balse ay tahay in la wada ciyaarsiiyo.

Alan Shearer oo la weydiiyey ciyaartoyga ugu wanaagsan Liverpool xilli ciyaareedkan ayaa ku jawaabay: “Roberto Firmino ayaa ahaa  ciyaartoygooda ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan, shakina kuma jiro taas. Waxay su’aalo ka taagnaayeen haddii Firmino tegi doono amaba uu luminayo booskiisa, laakiin hadda taasi ma taallo meesha. Ciyaartiisu waa heersare, waxaanu dhalinayaa goolal u qalma bandhiggiisa.”

Si kastaba, Roberto Firmino ayaa heshiiskiisa Liverpool uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, illaa haddana ma  muuqato saansaan uu qandaraaska ugu kordhinayo Liverpool.