Monday, January 9, 2023

Maxad ka ogtahay war murtiyeedka dawlada Puntland ay soo saartay


US-January2UZ3

Go'aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka Federaalka Soomaaliya

Dowladda Puntand ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii kas0o baxay Shirweynihi Mbagathi Kenya ee sanadki 2004, kaas oo lagu aasaasay Dowladda Federaalka ah iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee lagu unkay hannaankafederaalka ee Dalka.

Dowladda Puntand iyo Shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi socodka dib loogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan

1. Puntland waxay ciidan, dhaqaale iyo maskaxba ku bixisay in Dowladdi kumeel gaarka ahayd ee Federaalka ay dib uga hawigasho Caasimadda Soomaaliya 14 sano kadib marki Dowladdi dhexe meesha ka baxday 1990kii.

2. Waxay qayb ka qaadatay in la gaaro heshisyo lagu hubinayo in Dowladda Federaal ka Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarnimada si dib u dhis loogu sameeyo hay adaha dowliga ah, loona hagaajiyo amniga iyo hannaanka maamulka, isla markaasna kor loo qaado dhaqaalaha Dalka. Tusaale; shirarkii taariikhiga ahaa ee Garowe 1, Garowe 2 iyo Gaalkacyo.

3. Dowladda Puntland waxay sidoo kale qayb ka qaadataa wada xaajoodyada looga arrinsanayo amniga guud ee Dalka, dhaqaalaha, horumarinta qawaaniinta ku dhisan hannaanka federaalka ah ee Dalka sida dib u eegista Dastuurka kumeel gaarka ah

4. Dowladda Puntland waxay si hagar la'aan ah u siisaa taageero dhinacyo badan leh dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaederaalka ah

5. Puntland waxay qayb ka qaadataa doorashada hay'adaha Federaalka ah sida Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo doorashada Madaxweynimada intaba.

hadaba lyadoo Dowladda iyo Shacabka Puntand ay sidaas mar walba diyaar ugu yihiin ka mid ahaanshaha dadaalka dowlad dhiska Soomaaliya heerarkeeda Dowiadda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxaa Dowladda iyo Shacabka Puntandba u caddaatay in geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya u baahan tahay in meesha laga saaro hagar daamada fashilin karta geeddi socodka, lana ixtiraamo qawaaniinta lagu heshiyey,gaar ahaan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.

Si loo gaaro heshiisyo wadar goggol u ah oo arrimaha horutabinta u leh dhammeystirka dhismaha hannaanka federaalka ah ee Dalka, Dowladda Puntland waxay u aragtaa in ahmiyad la siiyo dhammeystirka qodobada soo socda

1. In Dalka laga xoreeyo Argagixisada Al Shabaab iyo Daacish.

2. In heshiis wadar oggol ah laga gaaro arrinta Somaliland

a) Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland

b) Dowladda Puntland iyo Somaliland

3. In heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah laga gaaro qorshaha dowlad dhiska

4. In heshiis loo dhan yahay laga gaaro Maqaamka Caasimadda Soomaaliya

5. In laga heshiiyo hab dhiska hannaanka federaalka ah si loo helo awood qaybsi ku dhisan hab wadar oggol ah

6. Dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah, is waafajinta Dastuurka Federaalka ah iyo kan Puntland iyo in Afti dadweyne oo loo dhan yahay loo qaado Dastuurka Federaalka.

Haddaba, Dowladda Puntland, iyadoo ilaalinaysa aayaha masinga ah ee Shacabka Pundand, fulinaysana waajibaadkeeda dastuunga ah, waxay ku wargelinaysaa dhammaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo kuwa Gobolka qodobada soo socda:

1. Inta laga dhammeystirayo qodobada horutabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya ee kor ku xusan, Dowladda iyo Shacabka Puntand waxay fursad buuxda Sinayaan horumarinta danaha gudaha Pundand gaar ahaan xooJinta amniga,daadajinta hannaanka dimugraadiga ah iyo dowlad wanaagga, horumarinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah Si loo hubilyo in qotkasta oo Puntland ku nool uu heli karo amni sugan iyo adeeg bulsho.

2. Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntand qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad,Dowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa danaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka "Awoodaha Dowladda Puntland ay ku wareejin doonto Dowladda Federaallka ee Soomaaliya iyo xuquuqda ay yeelanayso Puntland waxay ay ku imaanaysaa wada xaajood iyo heshiis dhex mara Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka ah iyo kan Dowladda Puntland"

3. Sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddisa 1-aad, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska Dalka, ay u dhaqanto sidi dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah

"illaa inta laga gaarayo goorta dhammaan dastuurada dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka la waafajinayo Dastuurka Dowladda Federaalka, Maamulada jira ka hor inta aan la qaadan Dastuurkaan kumeel gaarka ahi, waxay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu sinayo

3.1Qodobka 142-aad farqaddiisa 1-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu waafaqsan yahay Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad,farqaddisa 3-aad kaas oo Dowladda Puntland siinaya xuquuqda in ay u dhaqanto sidii Dowlad madax bannaan inta (si Puntland qayb ka tahay) loo dhammeystirayo Dastuurka Federaal ka ee kumeel gaarka ah inta laga dhammeystirayo Dastuurka Federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel manyey, Puntiand waxay lahaanaysaa awood dowlad madax bannaan Dowladda Puntand ee Soomaaliya, iyadoo illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, xoojinaysana doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka, waxay go aan ku gaartay:

1. Si waafaqsan Dastuurka Federaalka qodobadiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad,qodobka 53-aad, farqadihiisa 1, 2, & 3-aad iyo Dastuurka Dowladda Puntand godobka 4-aad,rargaddlisa 2-aad, Dowadda Puntand waxay diyaar u tahay in ay si iyada gooni u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajooto heshiisyada dowlad dhiska gaar ahaan tubta dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka, heshiisyada siyaasiga ah ee awOod qaybsiga, hab dhiska amniga, heshiisyada habka wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.

2. Inta laga dhammeystirayo wada xaajoodyada Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland ee arrimaha kor kuxusan, VWasaaradaha iyo hay adaha Kale ee Dowladda Puntand waxay dhiggooda Dowladda Federaalka an kalya Kala xaajo0n karaan wada shaqeynta mashaaricda horumarineed iyo KUwa bini'aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax bannaanida awoodaha fulineed ee hay'adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4-aad, larqaddisa 3-aad.

3. Si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka Federaalka Soomaaliya, qodobkisa 51-aad, farqaddiisa 2-aad, xarfihiisa a, b & c, Dowladda Puntand waxay Xiriir walaaltinimo, daris wanaag iyo wada shaqeyn la yeelan kartaa Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si laysaga kaashado danaha ka dhexeeya.

4. Dowladda Puntland waxay daneeyayaasha Beesha Caalamka iyo Dowladaha Gobolka uga mahad celinaysaa garab istaagga joogtada ah ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo la tacaalidda arrimaha bini aadantnimo. DHAMMAAD-